Shir la isugu yeeray laamaha amniga , lagama hadlin iska hor imaadyada ciidanka

Muqdisho (Raxanreeb ) Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shir deg deg ah isugu yeeray laamaha amniga Dowladda Soomaaliya si looga hadlo xaqiijinta amaanka caasimadda.

Shirkan oo loo arkayay mid  muhiim ah ayaa xogaha RBC uu helayo sheegaya in aan lagu soo hadal qaadan weerar maanta oo Sabti ah magaalada Muqdisho ku dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan Dowladda Soomaaliya.

Inta uu socday shirkan ayaa looga hadlay sida wararka ay sheegayaan sida ay tahay in Dowladda ay u dar dargaliso amniga caasimada oo dilal iyo qaraxyo ay ka dhaceen maalmihii la soo dhaafay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa shirkan maanta isugu yeeray saraakiisha amniga Dowladda Soomaaliya oo uu faray in wax laga qabto amni darada ka jira caasimadda.

‘’ Waa in laga feejignaadaa dhagaraha kooxda argagaxisada  isla markaana la xoojiyaa amiga ‘’ ayuu Taliyaha ka sheegay shirkan deg deg ah oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Si kastaba shirkan ayaa imaanaya , iyadoo Dowladda ay la daala dhacayso wax ka qabashada dhibaatooyinka ku saabsan dilalka iyo qaraxyada oo ay dheera tahay iska  hor imaadyada ciidanka ku dhaxmaraya meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.