Al- Shabaab la qabtay isagoo qarax ku xiraya gaariga sarkaal Dowladeed

Al- Shabaab la qabtay isagoo qarax ku xiraya gaariga sarkaal Dowladeed

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay sarkaal la sheegay inuu ka  tirsanaa kooxda Al- Shabaab ka dib howlgal ay ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Saraakiisha booliska Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in xubintan ka tirsanaa Al- Shabaab la soo qabtay isagoo miino ku xiraya  gaariga sarkaal ka tirsan  ciidanka Soomaaliya.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ninkaasi gacanta lagu haatan  ay ku socoto baaritaan dheeraad ah si  loo horkeeyo  cadaalad.

Taliska ayaa qoraal ku sheegay inaanay jirin cid wax ku noqotay qaraxaasi, marka laga soo taggo in ay la qaraxday ninkii ku howlanaa baa qoraalka lagu yiri dhagarta shacabka.

War  ka soo baxay Taliska qaybta booliska ayaa lagu sheegay in ninkan sidoo kale loo haysto maleegista qarax miino oo ka dhacay xaafadaha Daarus- Salaam ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa ku howlan howlgal ay ku doonayan in bisha ay ku sugaan amniga inkastoo wali caasimadda ay ka dhacayaan falal amni darro taas oo keentay in saamayn ay ku – yeelato dadka rayid ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.