Maxaa ku soo kordhay shirka  looga hadlayo Kusrsiga #HOP176 ee ka socda Madaxtooyada KGS ?

Maxaa ku soo kordhay shirka  looga hadlayo Kusrsiga #HOP176 ee ka socda Madaxtooyada KGS ?

Baydhabo (Raxanreeb ) Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Kursigii  uu ka dhintay AUN Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow hadana u taagan kursigaas  siyaasiga Dr Maxamed Ibraahim Bilaal ee #HOP176 ayaa taageeray kulamada labada dhinac ee dhaxmaraya Madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo  Dr Bilaal ee looga hadlayo aayaha Kursiga oo banaan.

Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la tixgaliyo rabitaanka Beesha , iska leh kurisgan oo deegaan doorashadiisu ay tahay  Koonfur Galbeed oo banaanaa tan iyo markii uu ka geeriyooday Xildhibaan Boorow.

Kulamada  Madaxwaynaha Koonfur Galbeed iyo Dr Maxamed Ibraahim Bilaal ee magaalada Baydhabo ayay ku tilmaameen , Odayaasha  dhaqanka  mid ay ka rejaynaan in ay ka soo baxaan qodobo waxtar leh oo ay ku qanci karaan beesha iska leh kursiga.

Dr Maxamed Ibraahim  Bilaal ayaa  magaalada Baydhabo , tagitaankiisa waxa uu ka danbeeyay ka dib markii casuumad uu ka helay Madaxwaynaha maamulkaas Cabdicasiis Laftagareen si ay uga wada- hadlaan aayaha kurisga banaan ee Golaha shacabka.

Kulamadan ayaa Musharaxa kurisga  Dr Maxamed Ibraahim Bilaal miiska uu saaray qodobka ah in isaga iyo matalayaasha Kursiga ay ku qanacsan yihiin in la qabto doorasho  daahfuran oo lagu wada qanacsan yahay isla markaana ka fog eex iyo is daba marin.

Si kastaba kulamada oo wali socda ayay Odayaasha dhaqanka kursigaa waxa ay sheegeen in ay yihiin kuwo ka soo bixi doono wax dan u ah dadka uu u taagan yahay Dr Maxamed Ibraahim Bilaal oo aha aqoonyanan saamayn ku leh bulshada deegaanada maamulka koonfur Galbeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.