Al- Shabaab oo lix ruux  ku toogtay Shabeellaha Hoose.

Al- Shabaab oo lix ruux  ku toogtay Shabeellaha Hoose.

Marka (Raxanreeb) goob fagaaraha oo ku taala  degaanka kuunyo-baroow oo hoostaga degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayay Al- Shabaab ay ku toogteen lix ruux.

Saraakiisha Al- Shabaab ayaa dadkan ay toogteen waxa ay ku eedeyeen in ay la shaqaynayeen Sirdoonka Dowladda Federaalka iyo Mareynkanka.

Goobta ay ka dhacday toogashadan ayay Al- Shabaab isugu keeneen dad badan oo degaanka ah si ay u daawadaan sida ay u dhacaysay toogashadan.

Waxa ay sheegeen Al – Shabaab in dadkan ay ka soo qabqabteen magaalooyin badan oo Soomaaliya

Dadka la toogtay ayaa u badnaa dhalinyaro waxaana magacyadooda lagu kala sheegay.

1: Aweys Aadan Xassan (Dalabey) oo ay Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka mareykanka, isla markaana uu bixiyay xogta duqeymo lala beegsaday Xubno katirsan Al-Shabaab.

2: Cabdulqaadir Ibraahim Xuseyn (Boqol) oo Al-Shabaab sheeeen in uu ka qeyb qaatay ilaa lix duqeyn, isla markaana uu la Shaqeeynayay Sirdoonka dowladda mareykanka.

3: Cabdiraxmaan Cabdulle Dhicisow oo loo heystay in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka Mareykanka, uuna ka qeyb qaatay hagida laba duqeyn oo ka dhacday duleedka degaanka Kuunya-barow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

4: Cabdalla Nuunow Cabdulqaadir ayaa Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu ka qeyb qaatay duqeyn lagu dilay Saraakiil katirsan ururka Al-Shabaab, sidoo kale uu xogtooda gudbiyay kuwo kale.

5: Maxamad Sheekhey barrow ayaa silamid ah raga kale waxaa ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay sirdoonka mareykanka, isla markaana uu ka qeyb qaatay duqeymo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

6:  Xassan Cumar Murjaan (Xassan Garre) ayaa Al-Shabaab ku eedeeyeen in uu la Shaqeeynayay Sirdoonka  dowladda mareykanka, isla markaana uu ka qeyb qaatay Saddex duqeyn oo ka dhacday degaanka Kuunya-barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Al – Shabaab ayaa marar badan waxa ay sidan oo kale toogasho ay ugu gaysteen dad badan oo ay ku eedeynayaan  in ay yihiin Sirdoon

Leave a Reply

Your email address will not be published.