MD Xasan”Ciidamada Eritrea jira Bishaan inta aysan dhamaan dalka ayay imaanayaan”

Minnesota ( Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ayaa sheegay in ciidanka ku sugan dalka Eritrea dalka loogu soo celin doono si deg deg ah.

Madaxwaynaha waxa uu tilmaamay in ay socdaan diyaargarow ku saabsan sidii ciidankaas ay u imaan lahayeen dalka ka hor inta aysan dhamaan bishan December ee sanadkan.

” Ciidankaas waa diyaar cutubka ugu horeeya dalka waxay imaan doonaan inta lagu jira bishan , diyaargarow ayay ku jiraan inta kalena waa ay imaanayaan ” ayuu yiri Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu xusay Madaxwaynaha in aysan dhici doonin dib u dhac kale oo ku imaan doono in ciidankaas Eritrea ku sugan sida ugu dhaqsiyaha badan ay u soo gaaraan dalka.

” Wax kasta waa diyaar ma rejaynayo in dib u dhac kale yimaado ” ayuu hadalkiisa raaciyay Madaxwaynaha Soomaaliya .

Hadalkan ayaa Madaxwaynaha Soomaaliya sheegay mar uu ka qayb galayay madal bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota su’aalo ay ku waydiinayeen Madaxwaynaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.