Amiga Jubbooyinka oo Al- Shabaab haystaan oo amnigooda laga hadlay

Amiga Jubbooyinka oo Al- Shabaab haystaan oo amnigooda laga hadlay

Kismaayo (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Jubbaland iyo saraakiisha maamulkaas ayaa ka wada- hadlay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab iyo sidii loo qaadi lahaa golof ka dhan Al- Shabaab.

Shirkan oo mudo saacada ah ka socday magaalada Kismaayo ayaa la isla gartay in ciidanka Jubbaland ay qaadaan howlgal u jeedkiisu uu yahay sidii Al- Shabaab loogu qaadi lahaa dagaal lagaga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubooyinka.

Waxaa lagu soo hadal qaaday shirkan sidii loo kor loogu qaadi lahaa tabararada ciidanka maamulka Jubbaland si ay u dar dar galiyaan howlgalka kooxda Al- Shabaab.

Kol hore maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ay qaadi doonaan howlgal  ujeedkiisu uu yahay sidoo loo qaadi lahaa dagaal lagaga saarayo Al- Shabaab deegaanada ay kaga sugan yihiin Jubbooyinka.

Lama sheegin waqtiga ay bilaaban doonaan howlgalada  maadama marar badan magaalada Kismaayo ay ka dhaceen kulamo looga hadlayay amniga iyo lala wareego deegaanada ay ku xoogan yihiin Al- Shabaab.

Madaxwaynaha Soomaaliya oo kol hore booqday magaalada Kismaayo ayaa sheegay in la hoogo waqtigii Al- Shabaab laga saario  lahaa deegaanada maamulka Jubbaland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.