Muqdisho (Raxanreeb ) Shir looga hadlayay amniga caasimadda ayaa lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir.
Shirkan waxaa ka qayb galay inta badan , Gudoomiyaasha maamulada degmooyinka iyo qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Dowladda Soomaaliya ee ku sugan caasimadda.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa dhowr jeer guddoomiyay shirar looga hadlayay amniga caasimadda, kaas oo ka kala dhacay degmooyinka gobolka Banaadir.
Saraakiisha Dowladda ee ka qayb galay , shirkan ayaa sheegay in gacanta ay ku hayaan shaqsiyaad lala xiriirinaya amni darrida ka jirta magaalada Muqdisho.
Iyadoo laga hadlayo amniga caasimadda ayaa hadana waxaa magaalada Muqdisho ka dhacaya falal amni darro oo saamayn aan wanaagsanayn ku yeeshay bulshada gobolka Banaadir.
Dilal dhawr ah ayaa la sheegay in ay ka dhaceen magaalada Muqdisho degmooyin ka mid ah kuwaas oo ay fuliyeen sida la sheegay Al- Shabaab.
Leave a Reply