Ammaanka garoonka Muqdisho iyo goobo kale oo la adkeeyay.

Ammaanka garoonka Muqdisho iyo goobo kale oo la adkeeyay.

Muqdisho (Raxanreeb )- Magaalada Muqdisho, waxaa hakad la galiyay duulimaadka diyaaradaha caalamiga ah ee Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho  cabsi  jirta darted.

Waxa ay arrintaani kusoo aadaysaa ayada oo safaaradda Mareykanka ee Nairobi ay faafisay digniino amni oo la filan karo, maalmaha ina soo aadan in ay ka dhacaan caasimadda Muqdisho.

Maanta oo Talaada ah ciidamo fara badan ayaa la dhigay , meelo badan oo magaalada Muqdisho ah si looga hortago suurtagalnimada in weeraro ay ka dhacaan meelo muhiim ah .

Ciidamo xoojin ah ayaa la dhigay garoonka diyaaradaha Aaddan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana si gaar ah saakay loo baarayaa gaadiidka garoonka galaya iyo ciidamada la socda.

Dowladda ayaa sidoo kale adkeesay ammaanka goobo kale ay suurto gal tahay in la weeraro, waxaana qeybo badan oo magaalada ah lagu daadiyay sirdoon dharcad ah kuwaa oo dhaq dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaana muddooyinkii lasoo dhaafay soo hagaagayay, inkastoo mararka qaar weeraro dhacaan, waxaana xalay magaalada qeybo kamid ah laga maqlayay madaafiic la sheegay in kooxda Al Shabaab kusoo tuureen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.