Muqdisho (Raxanreeb ) Xoghayaha SJS Cabdalle Axmd Muumin ayaa maalinki shanaad u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya , waxaana xaragiisa cambaareeyay Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha.
Hay’adda u doodda xuquuqul insaanka ee Amnest International ayaa ku tilmaantay xarigga Xoghayaha SJS mid la doonayo in lagu caburiyo Warbaahinta Soomaaliyeed oo ku shaqaysa marxalad adag.
War-saxafadeed ay soo saartay Hay’adda ayaa lagu sheegay, in Cabdalle Muumin loo xiray isagoo difaacaya xaqa xorriyadda hadalka ee Soomaaliya, iyo in uu kor u qaaday walaaca uu ka qabo go’aannada dowladdu ku mamnuucday faafinta wararka la xiriira Al-shabaab.
Hay’adda Amnest waxay sheegtay in Cabdalle Axmed Muumin uusan jirin wax danbi ah oo uu galay, waxayna ku baaqday in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah xoriyadiisa dib loogu soo celiyo.
Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) Cabdalle Axmed Muumin ayaa tobankii bishaan lagu xiray magaalada Muqdisho kadib uu ka hadlay saameynta awaamiir dowladda kasoo baxay oo mamnuucaya faafinta wararka Al-shabaab.
Leave a Reply