Balcad (Raxanreeb ) Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kooxda Al Shabaab ka saaray deegaano muhiim ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.
Degaanada Ciidamadu la wareegeen waxaa ka mid ah degaanka Istaraatiijiga ah ee Xawaaldeey oo hoos-yimaada degmada Balcad ee G/Sh/ Dhexe , halkaas oo in muddo ah ay maamulayeen kooxda Al Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka si nabad ah ay kula wareegeen deegaankaas , ka horna ay baneeyeen kooxda Al Shabaab.
Waxa ay sheegeen , saraakiisha ciidanka xoogga dalka in sidoo kale ay qorshaynayaan in Al- Shabaab gabi- ahaanba ay kaga adkaadaan deegaanada gobolka Shabeellaha Dhexe.
Maalin ka hor magaalada Muqdisho waxa ka baxay ciidamo ka tirsan Dowadda oo u abaabulan qaab qabaa’il ay uga qayb qaataan howlgalka ka dhanka ah Al- Shabaab.
Xawaadleey oo ku taala bartamaha Jowhar iyo Balcad ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxaa ku sugnaa Al-Shabaab taasoo sababtay in uu istaago isu-socodka Jowhar iyo Balcad.
Leave a Reply