Waayihii nolosha Madaxwaynihii hore USA oo soo afjarmaysa

Waayihii nolosha Madaxwaynihii hore USA oo soo afjarmaysa

Washington (Raxanreeb ) Madaxwaynihii hore ee Mareykanka Jimmy Carter oo muddo dheer sariir yaala ahaa ayaa hada waxaa soo – baxaya in ay aad u liidato noloshiisa.

Saraakiisha caafimaadka ee gacanta ku haya Madaxwayne Carter ayaa sheegay in walwal ay ku haysto xaaladda ka sii daraysa ee Madaxwaynaha .

Jimmy oo hadda ah 98 sanno jir ayaa dib loogu celiyay gurigiisa  , waxaana laga saaray isbitaalka , taas oo keentay walwalka noloshiisa laga qabo.

Madaxwayihii hore ee dalkaas ayaa dhawr mar la dhigay isbitaal ka dib markii isa soo tartay xaaladiisa caafimaad oo aad u liidatay.

Madaxwaynihii hore dalka Mareykanka ayaa la xanuunsanaya kansarka maqaarka ku dhaca iyo xanuuno kale oo in muddo ah la daala dhacayay isla markaana keentay in isbitaal la dhigo.

Carter, oo ahaa madaxweynaha Mareykanka intii u dhexeysay 1977-1981 ayaa ah madaxweynaha ugu da’da weyn madaxweneyaashii hore ee nool.

Leave a Reply

Your email address will not be published.