Aqalka sare ma ansixin doonaa Hindise sharciyeedka NISA ?

Aqalka sare ma ansixin doonaa Hindise sharciyeedka NISA ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Sabti mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ku yeelanaya xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho kuwaas oo dood ku yeelanaya dhawr Hindise sharciyeed oo Golaha shacabka hor yaala.

Guddoonka Barlamaanka ayaa ka hor inta aan furmay ayaa digniin u diray xildhinaanada inta badan ka maqan fadhiyada Barlamaanka Soomaaliya

Sido kale maanta xildhibaanada Aqalka sare ayaaa kulan ku leh xaruntooda waxaa lagu wadaa in akhrinta labaad ay ku mariyaan Hindise-sharciyeed Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka qaranka.

Hindisahan ayaa  dhowaan waxaa meel   meel mariyay golaha shacabka Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Golaha ayaa waxaa sidoo kale waxaa aay Akhrinta sedexaad  marsiin doonaan hindise-sharciyeed xeer -hoosaad golaha aqalka sare, kaas oo golaha ay horey Akhrinta 2-aad iyo midda 1-aad ay soo marsiiyeen,.

Leave a Reply

Your email address will not be published.