Maxkamadda Ciidanka    Qalabka sida oo xukun dil ah fulisay

Muqdisho (Raxanreeb ) Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ayaa Xukun Toogasho ah ku fulisay Qaasim Ducaalle Cabdi & Xasan Juulle Shaakir oo 10kii Janaayo 2023 si bareer ah u dilay Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo) oo ah Ganacsade & Cali Taliye Cariif oo Wade Bajaaj ah.

Labadan askari ee xukunka dilka ah saakay lagu fuliyay ayaa lacag baad ah oo lagu sheegay min shan kun u dilay labo qof oo kala ahaa ganacsade miis ku lahaa Suuqa Xamar Weyne iyo nin Bajaajle ahaa oo kunoolaa Balcad.

Askar katirsan Ciidamada Dowladda Federaalka oo dilal bareer ah u geystay Dad rayid ah ayaa weli ku xiran xabsiyada, Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa digniin u dirtay Ciidamada dhibaatada u geysta Shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.