Argagaxiso ma nihin , Argaxiso aan Somaliland ahayn oo Jooga Dhulkeena ma ogin “Garaad Jaamac

Laascanood ( Raxanreeb ) Shirjaraa id oo maanta oo Talaad ah uu ku qabtay magaalada Laacaanood ee gobolka Sool
Garaad Jaamac Garaad Cali ayuu kaga hadlay hadal ka soo yeeray Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biix Cabdi.

Waxa uu sheegay Garaadka in wax laga xumaado ay tahay in Muuse Biixi dadka ku nool Sool , Sanaag iyo Cayn uu ku tilmaamo in ay yihiin argagaxiso.

Intaas waxa uu warkiisa ku daray Garaad Jaamac Garaad Cali in Somaliland ay dhashay argagaxisada kuna nool yihiin sida uu yiri magaalada Hargaysa ee Somaliland.

“Argagaxiso ma nihin , Argaxiso aan  -Somaliland – ahayn oo Jooga Dhulkeena ma ogin, Muuse iyo Argagaxisadu waa wada shaqaystaan , Aduunkana waxaan ugu baaqaynaa intii hore ee aad dhibka uu noo gaystay ku caawiseen ayaa dhib noogu filan” ayuu yiri  Garaad Jaamac Garaad Cali.

Hadalkan ayaa Jawaab u ah war goor sii horeysay oo shalay ah u jeediyay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kaas oo ku sheegay in Laascanood ay joogaan dad argagaxis ah.

Si kastaba magaalada Laascanood waxaa ka soconaya shir looga hadlayay aayo  – ka tashiga dadka ku nool gobolada Sool , Sanaag iyo Cayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.