Marka (Raxanreeb ) Shir looga hadlayay amniga iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab ayaa la sheegay in dhawaan ay ka bilaaban doonaan deegaano ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose.
Shirkan waxaa ka qayb galay , saraakiisha ciidanka Dowladda , Nabad sugidda iyo kuwa howlgalka ATMIS ee ku sugan Shabeellaha Hoose .
Waxaa la isku raacay shirkan in sida ugu dhaqsiyaha badan gobolka Shabeellaha Hoose looga bilaabo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab gaar ahaan deegaanada Al- Shabaab ay maamulaan.
‘’ Sida ugu dhaqsiyaha badan waa in la qaadaa , talaabo Al- Shabaab lagaga sifaynayo deegaanada gobolka Shabeellaha waa la jooga waqtigaas ‘’ sidaas waxaa shirka ka sheegay saraakiil ka tirsan Dowladda oo ka qayb galay shirka.
Gaashaanle Cabdiraxiin Muuye, Taliyaha ururka 14aad, guutada 14ka October ee fadhigoodu yahay Degmada Marka ayaa Shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka si nabadgalyada ay u adkaato.
Leave a Reply