Maamul goboleedka Puntland ayaa si cad u diiday ka qayb-galka shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la filayo in uu Muqdisho ka dhaco inta u dhexeyso 20 illaa 21-ka bishan April ee sanadka 2024-ka.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Sacuudiga oo sheegay in nidaamka caalamiga ahi uu ku guuldarraystay xalka xaaladda Gaza
Sucuudiga iyo Pakistan ayaa si wadajira ugu baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga gaadho dagaalka ka socda marinka Qaza, iyada oo Sucuudiguna uu soo jeediyey in xaaladda gobolka la dejiyo, isaga oo aan soo hadal qaadin weerarkii Iran ay ku qaaday Israa'iil.
Al-Shabaabkii ugu badnaa oo soo buux dhaafiyay duleedka Muqdisho
Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in maalmihii lasoo dhaafay ay dagaalyahannada Al-Shabaab, soo buux dhaafiyeen agagaarka degmada Balcad ee Shabeellaha Dhexe.
Israa’iil oo ku adkaysatay inay jawaab ka bixinayso weerarkii Iran
Israa'iil ayaa u muuqata inay go'aansatay inay qaaddo tallaabo ay kaga aargudanayso ciidamada milateriga ah ee Iran, iyo qaar ka mida taageerayaasheeda gobolka bariga dhexe ku sugan, ka dib weerarkii ay Iran ku qaaday dalkan Yuhuudda ah.
Al-Shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ATMS kuleeyihiin Shabeellaha Hoose
Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo sheegaya in maanta dagaal xooggan oo u dhexeeya dagaalyahannada Al-Shabaab, iyo ciidamada howlgalka ATMIS uu ka dhacay degmada Janaale, ee gobolkaasi.
Macawiislay oo weerar culus ku qaaday saldhig Al-Shabaab isku uruursanayeen
Warar dheeraad ah, ayaa kasoo baxaya gobolka Hiiraan, kaas oo sheegaya in galinkii danbe ee shalay ay gobolkaas isku fara saareen ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku uruursanayay aagga degmada Buuloburde, ee gobolkaasi.
Colaadda Sokeeye ee Sudan oo sanad jirsatay
Sannad ayaa maanta u buuxsantay marki uu billowday gulufka colaadeed ee ka aloosan dalka Sudan, kaas oo u dhaxeeya millatariga iyo xooggaga hubeysan ee RSF.
Abshir Gaarane oo shil gaari ugu geeriyooday Muqdisho
Allah ha u naxariistee Abshir Gaarane Axmed, oo mar ka tirsanaa Fanaaniinta Gobolka Banaadir, ayaa shalay galabtii ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad, kadib markii ay ka soo laabteen dalxiis ay ku tageen degmada Balcad.
Madaxfurashadii ugu badneed oo laga qaatay Markabka MV Abdullah
Warar dheeraad ah, ayaa laga helayaa xeebaha Bari ee maamul goboleedka Puntland, ayaa sheegaya in xalay kooxaha burcad badeedda Soomaalida, ay sii daayeen Markabka MV Abdullah, oo maalmihii lasoo dhaafay ay u haysteen afduub ahaan, kooxdaasi burcad badeeda.
Wararkii ugu dambeeyey ee weerarka ay Iran ku qaadday Israa’iil
Iran ayaa xilli dambe oo Sabtidii ah, waxay weerar aargudasho ah ku qaaday gudaha Israa'iil, hase ahaatee ciidamada milateriga ee Israa'iil ayaa sheegay inay soo rideen qaybo badan oo ka mida gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay Iran u adeegsatay weerarkan, ka hor intii aanay soo gaadhin hawada Israa'iil, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AP.









