Abshir Gaarane oo shil gaari ugu geeriyooday Muqdisho

Abshir Gaarane oo shil gaari ugu geeriyooday Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb) — Allah ha u naxariistee Abshir Gaarane Axmed, oo mar ka tirsanaa Fanaaniinta Gobolka Banaadir, ayaa shalay galabtii ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad, kadib markii ay ka soo laabteen dalxiis ay ku tageen degmada Balcad.

Gaarane, ayaa shalay galabtii inta uusan geeriyoon bartiisa TikTok soo dhigay muuqaal uu dhahayo “Safarbaan u baxayaa aan soo noqod laheyn.” taas oo dad badan ka falceliyeen.

Abshir iyo wiil kale ayaa ku dhintay shilkaasi, Abshir, waxa uu dulmane u ahaa hay’adda NISA, ee xilligii Fahad Yaasiin, agaasimaha ka ahaa isagoona muddo sannad ah, jir-dil ugu geysanayeen xabsiga Jilicow, ee caasimada Muqdisho.

“Waxaan ahay Al-Shabaab, waxaan ku biiray 2013-kii, dhanka maaliyadda ayaan u qaabilsanaa,” ayuu ku yiri muuqaal si khasab ah, looga duubay, sidoo kalena waxa wararku qaar sheegayeen in isagoo qaawan muuqaalo laga duubay.

Gaarane, ayaa dalbanayay muddooyinkaaba caddaalad, isagoona xabsi iyo jirdil la isugu daray dowladdii hore ee Maxamedweyne Farmaajo, mana helin magdhow iyo cid si toos ah, uga raalli gelisa.

Dhallinyaro ka badbaaday shilkaas oo inoo xaqiijiyay in Abshir, la keenay Isbitaal ku yaalla Muqdisho, isagoo dhaawac ah, oo hadlaya weliba.

Abshir Gaarane, ayaa horey ugu shaqeeynayay mid ka mid ah, Isbitaallada Muqdisho, walow markii danbe isaga tagay shaqadaasi dhowr bilood ka hor.