Axmed Madoobe ” Wiilkii aan shalay kursiga xildhibaanimo aan siiyay ayaa loo adeegsaday burburinta Jubbaland”

Kismaayo (Raxanreeb online) – Waxaa maanta mar kale shanta sano ee soo socota loo doortay in Madaxweyne kasii ahaado maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), kaddib doorasho ay kula tartameen labo musharax oo kale oo ka dhacday goordhaw magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa dib u doorashadiisa kaddib khudbad uu ka jeediyay hoolka doorashada kaga hadlay khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kale eedeymo kala duwan u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’isul Wasaare Xamse Barre.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Jubbaland kamid tahay Soomaaliya dadka degana ay yihiin Soomaali, isaga oo xusay in Jubbaland aysan aheyn Itoobiya iyo Kenya, waxa uuna xusay dowladdii Farmaajo dedaal ku bixisay in Itoobiya ku qabsato Jubbaland , halka dowladda hadda jirtana iyana rabto dowlado shisheeye adeegsato.

Waxa uu xusay Axmed Madoobe in uu yahay Soomaali balse uusan aheyn Kenyan, waxa uuna wax lala yaabo ku tilmaamay hadallada dowladda Federaalka kasoo baxaya ee sheegaya in Axmed Madoobe Kenya keenayaan , waxa uuna xusay waxii ay Soomaali kuwada hadli waayaan in Kenya iyo Itoobiya ku qasbi karin.

”Jubbaland waa Soomaaliya, waa meel Soomaali degan tahay , Itoobiyana maahan Kenyana maaha, dowladda Xasan Sheekh waxa ay dib noo xasuusineysaa  waxii dhacay 2013-kii, iyada oo maanta dowladda leedahay Axmed Madoobe Kenyan baa keeni, Kenyan baa sidaas yeeli, Soomaali baan ahay aniga, waxa aan annaga Soomaalidii kuwada hadli weynana walaa Itoobiya baan aqoon , walaa Kenya baan aqoonin, walaa cid kale baan aqoon, Soomaali baa nahay Soomaali ayaana halkan iska leh, ayuu yiri Axmed Mdaoobe.

Axmed Madoobe ayaana ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh in uusan dib ugu celin waxii dadka reer Jubbaland horey usoo mareen, waxa uuna xusay in wadahadal diyaar u yahay, isagoona Madaxweyne Xasan Sheekh kula taliyay in uusan dowlado kale ku war wareegin.

Dowladad Soomaaliya ayuu ku eedeyay Axmed Madoobe in deegaannada maamulka Jubbaland kusoo daldaleyso ciidamo aan loogu tala galin in ay Al Shabaab la dagaallamaan, balse loogu tala galay in Jubbaland lagula diriro oo la isku laayo wiilal Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published.