Mareykanka ” Shirka Hoggaamiyaasha safka hore wxii ka soo baxay waan taageeraynaa ”

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in shirii dalalka safka hore ee ka dhacay Soomaaliya uu muujinayo sida Soomaaliya diyaar ay ugu tahay in ay ka soo kabsato dhibaatooyin badan oo Soomaaliya.

War ka soo baxay safaaradda Mareynka ee Soomaaliya ayaa taageero loogu muujiyay shirkii ay Magaalada Muqdisho ugu soo dhamaaday hoggaamiyeyaasha Soomaaliya iyo dalalka ciidamadda ku taageeray howlgalka ATMIS.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu bogaadiyay midnimada ay hogaamiyeyaasha ku wajahayaan dagaalka AlShabaab iyo amniga Geeska Afrika.

Leave a Reply

Your email address will not be published.