BAYDHABO :Maxkamdda Ciidanka oo Xukun Toogasho ah Ku Fulisay Rag Dil Geystay

BAYDHABO :Maxkamdda Ciidanka oo Xukun Toogasho ah Ku Fulisay Rag Dil Geystay

Baydhabo (Raxanreeb ) Maxkamadda ciidamada qalab sida ayaa Saakay waxaa ay xukun dil ah ku fulisay laba ruux, kuwaas oo hore dil uga geystay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ragga dilka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu kala magaacaabaa Aadam Cali Cabdi oo horey u dilay Marxuum Macalin Daahir Cabdullahi Mukhtar iyo Maxamed Geedow Nuurow oo Isna dilay Marxuum Jamaal Abdikariin Maadey.

Fagaare kuyaalla magaalada Baydhabo ayaana saakay lagu toogtay Aadam Cali Cabdi oo horey u dilay Marxuum Macalin Daahir Cabdullahi Mukhtar iyo Maxamed Geedow Nuurow oo Isna dilay Marxuum Jamaal Abdikariin Maadey.

Masuuliyiin iyo saraakiil katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa goobjoog ka ahaa fagaaraha xukunka dilka ka dhacayay, waxaa sidoo kale goobtajoogay ehelada dadkii ay dileen ragan saakay la toogtay.

Magaalada Baydhabo ayaa marar badan lagu toogtay askar iyo dad kale oo lagu helay in ay dilal geesteen, waxaana wali xabsiyada magaaladaasi ku jira maxaabiis kale oo ku xukuman xukunno dil ah.

Maxkamadda ciidamada ayaa dhowr jeer sidaan oo kale waxaa ay dil toogasho ah ugu fulisay eedeysaneyaal hore dilal ugu geystay muwaadiniin Soomaaliyeed, xilli ay jiraan kuwa kale oo dil ku xuman oo Qisaas sugayaal ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.