MD Xasan Sheekh Mohamud ‘’ATMIS waxba inooma qaban ‘’

MD Xasan Sheekh Mohamud ‘’ATMIS waxba inooma qaban ‘’

Doha (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka Dowladda – Soomaaliya ay qaadeen sanad gudahiisa howlgal balaaran oo ay qaban waayeen ciidanka ATMIS.

Madaxwaynaha waxa uu sheegay in ciidanka xoogga dal Al- Shabaab ay jabiyeen isla markaana ay laba jibaari doonaan howlgalada ay  ku doonayaan in lagu xasilyo dalka.

Hadalkan ayaa Madaxwaynaha Soomaaliya sheegay mar  khudbad  u jeediyay ciidan ka tirsan Dowladda oo lagu tababaray dalka Qatar oo uu booqasho ku joogo.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa xusay  in Soomaaliya aysan heynin askar la’aan balse ay tahay saraakiil la’aan sida uu yiri.

“AMISOM oo haysata Taangiyaal, Beebayaal, Madaafiic iyo waxl waliba, 15 sano way noo sameen waayeen waxa ay innoo sameeyeen Ciidanka xogga dalka ‘’ ayuu yiri Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay muuqanayso xoogga ay leeyihiin ciidanka Dowladda Soomaaliya oo uu xusay in la joogo waqtigii dalka amnigiisa gacanta ay ku dhigi lahaayeen.

Hadalka Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa imaanaya iyadoo dalka ay ka socdaan howlgal ujeedkoodu uu yahay in lagu  – jabiyo kooxda Al- Shabaab

Leave a Reply

Your email address will not be published.