Baydhabo (Raxanreeb ) Maanta oo Isniin ah waxa magaalada – Baydhabo ee gobolka Baay , ka furmaya shirka dib u heshiisiinta koonfur Galbeed , kaas oo ay isku arki doonaan masuuliyiinta maamulka hadda jira iyo xubnaha mucaaradka.
Waxaa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ku sugan wafdi ka socda Dowladda Federaalka sida la sheegayna horudhac ah Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa aad loo adkeeyay , waxaana waddooyinka qaar la dhigay ciidamada amniga si ay u xaqiijiyaan amaanka gaar ahaan halka lagu qabanayo shirka.
Guddoomiyaha golaha shacabka Aadan Madoobe ayaa hore ugu sugnaa magaalada Baydhabo , oo lahaa shirkan xooggiisa inuu ka qabsoomo magaalada Baydhabo , kuna dhawaaqay gogosha dib u heshiisiinta.
Shirka maanta ka furmaya magaalada Baydhabo ayaa heshiis looga gaari doonaa xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay muddo kororsiga madaxweyne Lafta-gareen.
Xubnaha mucaaradka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dhankooda sheegaya in muhiim ay tahay in laga hadlo sidii magaaladaas ay uga dhici lahayd doorasho wada- ogol ah waqtigeedana ku dhacda.
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in maamulkaas uu diyaar u yahay in laga wada- hadlo wax kasta oo dan u ah shacabka deegaanada koonfur galeed , hase ahaatee keliya la aqbali doonin in la qal-qal galyo amniga guud ee magaalada Baydhabo.
Leave a Reply