Muqdisho (Raxanreeb ) Wiil Mooto- Bajaajla ah ayaa maanta oo Isniin ah lagu toogtay magaalada Muqdisho , gaar ahaan isgoyska Bakaaraha.
Sida ay sheegeen dad xog- oglaa ah Sarkaal militari oo ka tirsan Dowladda ayaa xabad ku dhuftay wiilka bajaajlaha .
Gaariga oo sarkaalkan saarnaa ayaa la sheegay inuu doonayay inu furto wadada oo xilligaas la sheegay in mashquul xooggan uu ka taagnaa
Taliyaha booliska Howl-Wadaag oo wadada marayay ayaa markiiba qabtay sarkaalka iyo ilaaladiisa waxaana lagu qasbay inuu wiilka cusbitaal u qaado.
Saraakiisha Dowladda Federaalka oo aan la hadalnay ayaa ka gaabsaday in wax faahfaahin ah ay ka bixiyaan dilkan uu gaystay sarkaal ka tirsan Dowladda Federaalka.
Leave a Reply