Hoobiyaal lagu garaacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Hoobiyaal lagu garaacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Raxanreeb (Maxaas ) Wararka RBC uu ka helayo degaano ka mid ah gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas ay ka dhaceen weerar madaafiic ah oo khasaare gaystay.

Kooxda Al- Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay beegsadeen goobo ay kaga sugayeen degmada Maxaas ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha Kacdoonka.

Ciidanka  Itoobiya ee ku sugan degmada Maxaas ayaa la sheegay in hoobayaasha dhankooda ay ugu jawaabeen ,  madaafiic kale , waxaana dadka deegaanka ay ku warameen in jugta xooggan ee labada dhinac si aad looga maqlayay degmada.

Dad ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa  sheegay in weerarka madaafiicda ah uu ku dhaawacmay halruux sidoo kalena goobo ganacsi qaarkood ay ku burbureen.

Qof ku sugan degmada Maxaas ayaa sheegay in hadda xaaladu ay tahay mid degan , isla markaana  ciidanka ay wadaan howlgal ay ku doonayaan in ay amniga ku sugaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.