Beeluhu miyay dib u bilaabayaan howlgaladii ka socda Mudug ?

Dhuusmareeb (Raxanreeb ) Deegaano ka mid ah Galmudug waxaa la xaqiijinayaa in markale ay ka bilowdeen in dib u bilowdo howlgaladii hakadka galay ee ka dhanka ahaa kooxda Al- Shabaab.

Inkastoo aan la ogayn sababaha hakada howlgalada keenay , hadana waxaa loo aanaynayaa khilaaf ka jiray habka loo wajahayo iyo hoggaaninta dagaalka iyo howlgalada kooxda ka dhanka ahaa.

Magaalada Muqdisho waxa ka socda sidoo kale diyaargarowga xildhibaano ka soo jeeda Galmudug kuwaas si ay u sameeyaan abaabul ay ku doonayaan in ay kiciyaan dadka deegaanka si ay isaga dulqaadaan kooxda Al- Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarineysa ciidamo xooggan oo katirsan milatareiga Soomaaliya, kuwaa oo garab siinaya ciidamada deegaanka si kooxda Al- Shabaab looga saaro degmada Ceelbuur.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhawaan sheegay in ciidan xooggan iyo taageero kale la siinayo ciidamada deegaanka si ay uga qayb qaataan in kooxda Al- Shabaab ay la dagaalamaan.

Bilooyin badan waxaa hakad galay howlgaladii Dowladda iyo kooxaha Deegaanka eek a socday gobolada Mudug iyo galgaduud.

Degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri ayaa wali ku jira gacanta kooxda Al Shabaab, waxaana horey u fashilmay howlgal lagu doonayay degmooyinkaasi iyo deegaannada hoostaga in Al Shabaab laga saaro.

Leave a Reply

Your email address will not be published.