Qof kasta oo Soomaali ah waxaa uu noqonayaa mid aqoonsi leh.

Qof kasta oo Soomaali ah waxaa uu noqonayaa mid aqoonsi leh.

Muqdisho (Raxanreeb ) Golaha Aqalka Saree e Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha. Arrintan oo ka dhigan in muwaadin kasta  ay waajib ku tahay qaadashada kaarka aqoonsiga (National ID), tanina ay noqonayso tallaabo wax weyn ka taraysa ;  xal u helidda dhibaatada garan-waaga, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, ganacsiga, dhaqdhaqaaqa muwaadinka iyo la macaamilka hey’adaha dowladda.

Wasaaradda Arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dibuheshiisiintu waxaa ay u mahadcelinaysaa guddoonka iyo senatorada aqalka saree e Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ansixintooda Hindise Sharciyeedka aqoonsiga iyo Diiwaangalinta Dadweynaha.

Wasaaradda Arrimaha guduha,  waxaa u qorshaysan sanadkan gudihiisa hirgalinta hawshan qaran oo waxtarkeeda uu dareemi doono muwaadin walba oo u dhashay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Hindise sharciyeedkan waxaa ay golaha shacabka meelmariyeen March 1, 2023 halka golaha aqalka sarana ay maanta gudbiyeen, iyada oo u hartay saxiixa madaxweynaha, kadibna lagu daabici doono faafinta rasmiga

Leave a Reply

Your email address will not be published.