Somaliland ”shilalka” gawaarida oo xargaha goystay

Gabilay (Raxanreeb ) Laba qof ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib shil gaari oo ka dhacay dhacay magaalada Gabilay ee Somaliland.

Gaari dad shacab ah ay saarnayeen oo safar ahaa ayaa ku rogmay duleedka magaalada Gabilay  kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dadka gaariga la socday.

Dhaawacyada qaar oo loo soo qaaday isbitaalka Gabilay ayaa halis ah sida ay sheegeen dhaqaatiirka magaalada oo la hadlay warbaahinta gudaha.

Rogamashada gaariga ayaa lagu soo waramayaa in ay ka danbeysay wadaha gaariga oo si xowli ah oo kaxaynayay gaariga iyo burbur ka  jiray wadada

Ciidanka Ilaalada waddooyinka Somaliland ayaa durbadiiba goobta soo gaaray kuwaas oo dhaawacyada qaaday isla markaana xabsiga dhigay wadaha gaariga .

Degaannada Somaliland ayaa waxaa aad ugu badan Shilalka gaari, taas oo loo aaneynayo darawalada oo si xowli ah u wada Gawaarida.

Leave a Reply

Your email address will not be published.