Beesha Caalamka oo dalab culus hordhigtay dowladda federaalka iyo mucaaradka

Beesha Caalamka oo dalab culus hordhigtay dowladda federaalka iyo mucaaradka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Beesha Caalamka ayaa war kasoo saartay xaalada siyaadeed ee dalka uu marayo, iyada oo ugu baaqday dowladda federaalka iyo mucaaradka inay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka, isla markaana ay xal-ka garaan geedi socodka sida arrimaha doorashooyinka.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo sareen Qaramada Midoobay, Boqortooyada Ingiriiska iyo 9 dal oo xubin ka ah midowga Yurub, waxay ku garab istaageen qorshaha lagu xoojinayo nabada iyo dedaalada wahadalada in ay sii socdaan six al loo gaaro.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay dib u bilaabaan wadahadalka sida ugu dhakhsaha badan, si degdeg ahna u gaaraan isafgarad ku saabsan hannaanka doorashada, iyadoo loo eegayo danta dadka Soomaaliyeed. Beesha caalamku waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wadahaddalada ay Soomaalidu hogaaminayso” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Wakiilada Beesha caalamka, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya kujirto waqti xasaasi ah, ayna tahay in danta dalka al eego, lana helo Roadmap ama geedi socod doorasho Heshiis lagu yahay.

“Xilligan xasaasiga ah, waxaan ku dhiirrigelineynaa dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danta qaranka, ayna ka fogaadaan ficil kasta oo keeni kara in ay sii korodho xiisaddu” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaa laga sugaya jawaabta ay ka bixiyaan farriinta Beesha Caalamka ee ku aadan in miiska wahadalka in ay ku soo laabtaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.