Beledwayne (Raxanreeb )- Wararka Raxanreeb uu ka helayo magaalada Beledwayne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo barakac xooggan oo ay samaynayaan dadka ku nool magaaladaas
Arintan ayaa ka danbeysay ka dib markii karkaarada uu jabsaday wabiga isla markaana cabsi badan ay ku beerantay dadka deegaanka oo farta wadnaha ay ku hayaan.
Maamulka magaalada Beledwayne ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan inay wax kaga qabtaan xaaladda hadda ku soo korortay magaalada Beledwayne.
Fatahaadda wabiga Shabelle ee Beledweyne ayaa marar badan soo laa laalabatay, mana muuqato qorshayaal guud oo wax looga qabanayo fatahaadaasi.
Sanadihii la soo dhaafay ayaa xilliyada roobabka waxaa magaalada Beledweyne ku fatahayay wabiga Shabelle iyadoo inta badan dadka magaalada degen ay u guurayeen duleedka magaalada.
Sanad kasto fatahaad xoogan iyo daadad ayaa ku dhufto magaalada baladweyne oo uu dhex maro wabiga Shabelle, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaraa dadka rayidka ah.
Leave a Reply