Xukuumadda Ra’iisulwasaare Xamse oo Wasiir isaga tagay + sababta

Xukuumadda Ra’iisulwasaare Xamse oo Wasiir isaga tagay + sababta

Muqdisho (Raxanreeb ) Sida uu ku shaaciyay warqad ka soo baxday xafiiskiisa ayaa wasiiru dowlihii wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Maxamed Cali Cumar Caananuug  inuu isaga tagay xukuumadda Soomaaliya.

Talaabada is casilaadiisa ayuu sheegay  xildhibaan Cananuug kaddib markii uu u dulqaadan sida uu yiri ku takrifal awoodeed ay wado wasiirka wasaaradda.

Wuxuu si gaar ah eedeynta ugu jeediyay wasiirka wasaaraddaasi, Fardowsa Cismaan Cigaal, isaga oo sheegay in wasaaradda ay noqoto meel lagu dhibo muwaadinka.

‘’In damiirkeygu isiin waayay inaan ka sii tirsanaado xafiis lagu dulminaayo muwaadiniin Soomaaliyeed, laguna fool xumeynaya Adeegga iyo kalsoonida ay umadda Soomaaliyeed ‘’ ayuu yiri xildhibaan Cananuug.

Wasiiru dowlaha  is casilay ayaa sidoo kale sheegay  inay jiraan shaqaale kala duwan oo lagga ceyriyay wasaaradda, kuwaas oo uu sheegay inay u soo gudbiyeen cabashooyinkooda.

Wasiir (Caana-nuug) ayaa sida uu ku caddeeyay qoraalka uu soo saaray uga hadlay iscasilaadiisa oo uu gudbiyay Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre .

Wasiirkan iscasilay oo kasoo jeeda deegaannada Jubbaland ayaa horey ugu soo tartamay xilka guddoomiye kuxigeenka koobaad ee golaha shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.