BFS ‘’ 20% ayaan u jarnay mushaarkeena walaalaha Turky‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Xildhibaanada Barlamaanka – Soomaaliya ayaa cod gacan taag ah ku meel in mushaaradkooda laga jaro 20% si loogu gurmado dadka Turky-ga.

Ka hor inta  loo gudbin  ajandaha ka  doodista Hindise sharciyeedyada horyaalay Barlamaanka ayay ka hor ku soo hadal qaadeen xaaladda ka taagan dalka Turky-ga.

Golaha oo arrintaan si qoto dheer uga hadlay ayaa sheegay in guud ahaan Soomaalida looga baahan yahay inay garab istaagaan shacabka waddanka Turkiga.

Xildhinaanada Golaha shacabka ayaa intaas ka dib mudanayaasha Barlamaanka ayaa dood ka yeeshay dhawr Hindise sharciyeedyo hor yaalay Golaha shacabka.

Mudanayaasha  Golaha Shacabka  ayaa isla maanta ansixiyay Sharciga Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddam kaas oo akhrintii saddexaad marsiiyeen Golaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.