‘’ Nabad sugidda Soomaaliya Gabadha lagu shukaansadaa ‘’

‘’ Nabad sugidda Soomaaliya Gabadha lagu shukaansadaa ‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Xildhibaan ka tirsan Golaha Aqalka saree e Barlamaanka Soomaaliya ayaa shaki galiyay hufnaanta shaqo ee dhallinyarada ka mid ah Hay’adda Nabad sugidda Qaranka.

Senator Maryan Faarax Kaahiye oo maanta oo  sabti ah ka hor hadlaysay aqalka sare oo dood ka lahaa  Hindise sharciyeedka NISA oo soo maray Golaha shacabka ayaa sheegtay  in Nabad sugidda xilligan gabdhaha lagu shukaansado.

‘’Soomaaliya hadda waxa aad moodaa in lagu shukaansanayo gabadha NISA ayaa ahay qofka sidaas ah Nabad ma sugi karo ‘’ ayay sheegtay Senotor Maryan.

Intaas waxa ku dartay in shaqada Booliska loo madax baneeyo sida ay hadalka u dhigtay.

Waxa ay sidoo kale ay xustay in dhallinyarada Nabad sugidda ay u baahan yihiin in loo sameeyo aqoon koror ku saabsan shaqadooda si loo gaaro natiijo wax ku ool ah.

Dhanka kale wax ay amaantay dadaalada  Hay’adda Nabad sugidda ee howlgalada ka dhanka ah kooxda Al- Shabaaab ee ka socda meelo badan oo dalka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.