Maalintii Seddaxaad oo dagaal uu ka socdo Laascanood

Laascanood (Raxanreeb ) Magaalada Laascanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in , markale halkaas uu dagaal uu ka dhacay isla markaana uu ku sii fidiyo deegaano hor leh oo hoostaga magaaladaas.

Dagaalkan ayaa daba socda dagaal xiriira ah oo maalmahanba ka jiray magaalada Laascanood ee gobolka Sool , halkaas oo dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

Iska hor imaadkan ayaa ah mid u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kooxaha deegaanka ee diidan in Somaliland ay xukunto gobolada Sool sanaag  iyo Cayn , halkaas oo sanado badanba ay isku haysteen Puntland iyo Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in haatan dagaalka xoogiisa uu ka socdo aagga Gooja-cadde, halkaas oo talis ku leeyihiin ciidamada Somaliland.

Khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhasay dagaalka maalintii saddexaad ka socda magaalada Laascaanood, mana jirto tirakoob rasmi ah oo ilaa hadda lagu sameeyay khasaaraha dagaalka ka dhashay.

Madaxa xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay maamulada Soomaaliya in ay xaqiijiyaan baaritaan madax banaan, wax ku ool ah, oo dhexdhexaad ah kadib markii dad badan lagu dilay iska horimaad ciidamada Somaliland iyo qabiilada deegaanka ku dhex maray magaaalada Laascanood.

Leave a Reply

Your email address will not be published.