Joe Biden oo Safiir Cusub usoo Magacowday Soomaaliya

Joe Biden oo Safiir Cusub usoo Magacowday Soomaaliya

Washington (Raxanreeb )  Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden, ayaa Safiir Cusub u magacaabay Dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay wareegto 27-kii bishan March ka soo baxday Aqalka Cad ee Maraykanka.

Safiirka lasoo magacaabay ayaa ah safiir heysta awood buuxda,oo aan caadi aheyn oo uu ugu  kumatalo dawladda Mareykanka, waxaana la sugayaa in ay soo meelmariyaan aqalka Senet-ka dalka Mareykanka.

Danjire Richard  ayaa beddelaya Mr. Larry André oo Xilka Safiirka Maraykanka u jooga Soomaaliya la wareegay bishii February 2021-kii.

Safiirka la soo magacabay shaqooyinka uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa inuu mar soo ahaa, Agaasime Ku-xigeenka Xafiiska Masar ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Isuduwaha Sare ee Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Insaanka ee Safaaradda Maraykanka ee  Ciraaq.

Sidoo kale madaxweyne Joe Biden ayaa magacaabay safiis cusub oo dalka Maraykanka u fadhin doona dalka Liberia.

Dowladda Mareykanka ayaa ahmiyad gaar ah siinaysa Soomaaliya, ayada oo 2-dii October 2019 dib loo furay safaaradda Muqdisho oo xirneyd ku dhowaad 30 sano.

Leave a Reply

Your email address will not be published.