Boosaaso (Raxanreeb Online): Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, G/Sare Saciid Aadan Saciid, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddi ka socday INTERPOL, iyadoo kulanka looga hadlay xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta dhinacyada amniga.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray is-dhaafsiga xogaha amni, ka hortagga dambiyada abaabulan, iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga Gobolka Bari iyo INTERPOL.
Taliyaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah oo dhex marta hay’adaha amniga gudaha iyo kuwa caalamiga ah, si loo xoojiyo amniga, loo yareeyo dambiyada, loona xaqiijiyo kala dambeyn waarta.
Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa guddiga INTERPOL uga mahadceliyay booqashadooda iyo dadaallada ay ku bixinayaan xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga.





Leave a Reply