Xasan Sheekh iyo Qoorqoor oo Soo Dhaweyn Ballaaran Loogu Sameeyay Gaalkacyo+SAWIRO

Xasan Sheekh iyo Qoorqoor oo Soo Dhaweyn Ballaaran Loogu Sameeyay Gaalkacyo+SAWIRO

Gaalkacyo (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa galabta soo gaaray magaalada Gaalkacyo, halkaas oo soo dhaweyn ballaaran loogu sameeyay Garoonka Cabdullaahi Ciise.

Madaxweynaha iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa garoonka kula hadlay kumannaan shacab ah oo isugu soo baxay soo dhaweyntooda.

Booqashada Xasan Sheekh ee Gaalkacyo ayaa qeyb ka ah safarkiisa uu ku marayo deegaannada Galmudug, iyadoo diiradda lagu saarayo arrimaha amniga, horumarka iyo xaaladda bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.