Booliska ” Gacanta ayaa lagu dhigay haweenay dishay gabar 7 sanno jir ahayd “

Muqdisho (Raxanreeb) Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay haweenay dil u gaystay , gabar yar oo u shaqaynaysa.

Gabarta haweenaydan dilka u gaysatay ayaa da ‘aahan lagu qiyaasay todobo sanno jir iyada u shaqaynaysay.

Waxaa ka muuqday jirka gabadhan yar jirdil boolisku ay sheegeen in loo gaystay ka hor inta aysan dhiman , waxaana maydka gabadha yar la keenay xarunta CID ee Muqdisho.

Muuqaal laga duubay haweenaydan oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinayay iyada qiranaysa sida uu u dhacay dilka.

” Aadba u xanaaqay ka dib anigoo xanaaqsan ayaa meel derbi ah oo musqusha ah madaxa laba jeer ugu dhuftay sidaas ku geeriyootay qadartuna way qornayd ” ayay ku sheegaysaa haweenaydan muuqaalka laga duubay.

Saraakiisha Booliska waxa ay sheegeen in ay wadaan baaritaano dheeraad ah oo la xiriira sababaha keenay  jirdilka dheeraad ah ee ku yeelay gabadha yar ee maydka ah.

Waalidiinta gabadha ayaa Booliska ka dalbaday i cadaalad ay – hesho gabadhooda oo si gardara ah oo arxan darra ah loo dilay.

Dhacdadan oo ka dhacday degmada Karaan ayaa fajac ku reebtay dadka Muqdisho oo si aad ah u hadal hayay , laakiin waxa ay qayb ka tahay dhacdooyinka mararka qaar ay la kulmaan gabdhaha adeegtada ah ee ka shaqeysta guryaha magaalada Muqdisho ama gobolada kale ee dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.