Muqdisho oo uu ka furmayo shirka wadatashiga & qodobada miiska saaran.

Muqdisho (Raxanreeb) Magaalada Muqdisho , waxaa ka socota qaban- qaabada sidii uu u furmi lahaa shirka wadatashiga Qaran.

Shirkan waxaa ka qayb galaya madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul- goboleedyada kuwaas oo inta badan soo gaaray magaalada Muqdisho.

Waxaa hore u soo gaaray magaalada Muqdisho inta badan madaxdii ka qayb gali-lahayd kuwaas oo qaarkoodba ku sugan Villa Somalia.

Shirkan waxaa  iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud  islamarkaana 27 bishaan oo ku beegan berri uu ka qabsoomayo Villa Soomaaliya.

Inta uu socdo shirkan waxaa diirada lagu saari doonaa arrimo ay ka mid yihiin amniga , howlgalka Dowladda Federaalka ka wado gobolada qaar ee dalka iyo qaybsiga khayraadka .

Lama shaacin muddada uu qaadan doono shirkan oo ah mid xasaasi ah, isla-markaana ku soo aaday xilli haatan dalka uu ku jiro dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.