Raxanreeb(MUQDISHO) Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa goordhaw Warbaahinta u sheegay in gabi ahaan la soo afjaray saqdii dhexe ee xalay howlgalkii ka socday Hotelka Saxafi ee Muqdisho.
Taliyaha Booliska Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sheegay in howlgalka ay ku soo badbaadiyeen 106 qof oo isugu jira haween caruur , odayaal & dhallinyaro kuwaas oo hadda badqaba.
Waxaa uu xusay Taliyaha in xaaladdu ay degan tahay oo la laayay dhamaam kooxihii weerarka ku soo qaaday Hotelka Xayaat ee Muqdisho.
Taliye Xijaar ayaa tilmaamay in ay aad ugu xun- yihiin khasaaraha dhimasho , dhaawac & hanti ee ka dhashay.
“Waxaan rabaab inaan Ummadda Soomaaliyeed ee joogta dalka gudiisa iyo dibaddiisa la socod siiyo in howlgalkii ka socday Hoteel Xayaat la soo afjaray xalad saqdii dhexe,” ayuu yiri taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.
Xijaar ayaa sidoo kale sheegay in intii uu socday howlgalka ciidamada ammaanka ay soo bad-baadiyeen illaa 106 qof oo ku go’doonsanaa dhismaha hoteelka la weeraray.
Si kastaba, Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaacisay inay ku dishay illaa 40 qof oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsanaa dowladda Soomaaliya.
Leave a Reply