Muran- la galiyay in xildhibaan loo dhaariyo Madaxwaynihii hore Dalka Farmaajo.

Muran- la galiyay in xildhibaan loo dhaariyo Madaxwaynihii hore Dalka Farmaajo.

Raxanreeb(MUQDISHO ) In ka badan 10 mudane oo ka tirsan Golaha shacabka ayaa  mooshin ka keenay in madaxwaynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi loo dhaariyo xildhibaan Barlamaanka sida uu qabo qodobka 64aad ee Dastuurka KMG dalka.

Xildhibaanada ayaa u gudbiyay Guddoomiyaha Golaha shacabka Aadan Maxamed Nuur Madoobe warqad ay ku saxiixan yihiin  oo ku xusan sida ay  u diidan yihiin in  Maxamed Cabdullaahi loo dhaariyo xildhibaan sharfan.

Gudoomiyaha Golaha shacabkka ayaa xildhibaanada ka dalbaday in loo codeyn karo Madaxweyne hore Farmaajo.

Xildhibaannada ayaa isku raaciyay in la dhaariyo Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo kaddib markii cod la geliyay mooshinkii uu soo gudbiyay C/raxmaan C/shakuur oo ahaa in aan la dhaarin maadaama uu xadgudub loo geystay intii uu xukunka haayay.

XildhibaanCabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay kulanka dhankiisa ayaa sheegay in uu kamid yahay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee mooshinka gudbiyay, wuxuuna sheegay in Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ahaa Mas’uulkii bixiyay weerarkii lagu qaaday Gurigiisa Bishii December askar badana looga dilay.

Qodobka 64aad farqadiisa 4 ee Dastuurka KMG waxaa uu dhigayaa in qof kasta oo noqda Madaxweynaha JFS marka uu xilka banneeyo inuu noqonayo Xildhibaan Golaha Shacabka inta uu nool yahay haddii aan xil ka qaadis lagu sameyn, iyadoo muddadii Xil heyntiisa dhammaan, si waafaqsan qodobka Dastuurkan tirada Xildhibaannadana ayuu dheeraad ka yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.