Caalamka oo laga waynaynayo  maanta Xuska Caalamiga ah iyo Xusuusta Dhibbanayaasha Argagixisada.

Caalamka oo laga waynaynayo  maanta Xuska Caalamiga ah iyo Xusuusta Dhibbanayaasha Argagixisada.

Raxanreeb(MUQDISHO ) Sanadkasta  maanta oo kale 21- August , waxaa  caalamka laga xusaa , maalinta caalamiga ah iyo xusuusta dhibanayaasha argagaxisada.

War kasoo baxay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Maanta la xusayo maalinta caalamiga ah ah ee xusuusta dhibanayaasha ku nool Caalamka.

Iyadoo aduunyadu ay xusayso maalintaas caalamiga ah ayaa Soomaaliya waxaa ka  dhacaya gaboodfalo ka dhan ah xuquuda Aadanaha waxaana tii ugu danbaysay ay ahayd weerarkii  Al Shabaab ay ku soo qaadeen Hotelka  Xayaat hallkaas oo lagu laayay dad shacab ah oo ku sugnaa  gudaha Hotelka.

Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaramada midoobay ay garab  taagan tahay qoysaska dhibanayaasha ee ehaladooda ay waxyeeleyeen argagaxisada.

“Qaramada Midoobay waxay taageero la garab taagan tahay dhammaan dhibanayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa argagixisada ka badbaaday iyagoo ka bogsanaya jugtaa iyo dhaawacyada soo gaaray, iyaga iyo qoysaskooda iyo bulshooyinkooda,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Golaha loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay ayaa sanadki 2017-kii dejiyay Maalinta Caalamiga ah ee Xuska iyo Xusuusta Dhibanayaasha Argagixisada si loo sharfo loona taageero dhibanayaasha iyo kuwa ka badbaaday argagixisada iyo in kor loo qaado lana ilaaliyo ku naalooshada buuxda ee xuquuqdooda bini’aadminimo iyo xoriyaadkooda aasaasiga ah ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Qaramada Midoobay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.