Booliska Soomaaliya oo ka hadlay sababta ay u xireen mid kamid ah la-taliyeyaasha madaxweynaha Puntland

Booliska Soomaaliya oo ka hadlay sababta ay u xireen mid kamid ah la-taliyeyaasha madaxweynaha Puntland

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya ciidanka Booliska Soomaaliya oo xalay magaalada Muqdisho, ku xiray mid kamid ah la-taliyeyaasha madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lee yahay falal lidi ku ah amniga Caasimada.

Axmed Hurre, ayaa xiliga la xirayay waxa uu ku sugnaa hotel Airport, waxa uuna kulan la lahaa xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, oo qaarkood sidoo kale jirdil loo geystay.

Sareedo Maxamed Xasan oo katirsan xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa barteeda Facebook, ku daabacday, iyada oo si kulul uga hadleyso xariga la-taliyaha iyo qaabka ay ciidamadu ula dhaqmeen ayaga.

“Waxa na soo weeraray ciidanka booliska Soomaaliyeed oo noogu soo galay Hoteelka Airport ee aan ka daganahay magaaladda Muqdisho ayada oo la waydiiyay Xildhibaan Sadaam qolka aan daganahay waana ka maqnaa qolkayga ka dib markay arkeen in la soo jeedo ayay naga kaxaysteen Axmad Cabdi Hurre waxayna nagu fiiqeen xabad ayaga oo nagu kor cabaystay, Waxaan ka badbaaday dil iyo afduub ku salaysan khasab ku code” ayey tiri Xildhibaan Sareedo.

Sidoo kale ciidanka Boolisk Soomaaliya, ayaa dhankood ka hadlay xariga la-taliyaha.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkiisa qaran ayaa caawa soo qabtay eedaysane Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ku howlanaa falal amniga lid ku ah, waxaana ku socota Baaris” ayaa lagu yiri qoraalka kazoo baxay Booliska Soomaaliya.

Sikastaba, arrintan ayaa kusoo adeysa xili xiisada siyaadeed ee dalka ay mareyso meel xasaasi ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.