Booliska Soomaaliya ” Waxaa socda howlgal lagu soo afjarayo weerarka ka socda Hotelka  Villa Rose ee Muqdisho “

Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidanka Amniga ee Dowladda Soomaaliya  ayaa wada hawlgal lagu soo afjarayo weerarka kooxda Al- Shabaab ku qaaday Hotelka Villa Rose ee kaabiga ku haya Madaxtooyada.

Saraakiil ka tirsan Dowladda ayaa sheegay in goobta laga badbaadiyay dad isugu jira Shacab iyo masuuliyiin kale.

“Caawa fiidkii ayaa koox Khawaarij ah waxay weerareen Hoteel Ganacsi oo ku yaalla degmada Boondheere. Ciidamada Amniga ayaa wada hawlgal lagu soo afjarayo weerarka Khawaarijta. Waxaa goobta laga badbaadiyay dad isugu jira Shacab iyo masuuliyiin. Wixii faahfaahin dib ayaan idin kala wadaagaynaa.” sidaas waxa sheegay Afhayeenka Ciidanka Boolkska Sadiiq Doodishe oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Kooxda Al-Shabaab ayaa  sheegatay mas’uuliyadda weerarka  iyaga oo xusay
in kooxdoods fuushan yihiin  qeybaha kore ee Hotelka isla markaana ay duqeynayaan madaxtooyada Soomaaliya.

Wixii ku soo kordha isha ku haay.
www.raxanreeb.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published.