Wasiirka Amniga Doodishe oo  ku dhaawacmay qaraxa lagu weeraray  Villa Rosa  iyo Wasiir Aw – Xirsi oo ka badbaaday.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in caawa kuu ku dhaawacmay wasiirka amniga gudaha weerarka la rumaysan yahay in kooxda Al- Shabaab ay ku qaaday Hotelka Villa Rose ee ku dhaw Madaxtooyada.

Waxaa la sheegay in wasiirku waxyeelo Ka soo gaartay lugta balse lama oga in jab tahay & in murgacasho uun tahay .

Weerarkaas oo la rumaysan yahay in ay qaadeen kooxda Al- Shabaab ayaa sidoo kale waxa ka badbaaday xubno ka mid ah Golaha Wasiirada

Aadan Awxersi oo kamid ah kamid ah golaha Wasiirada ayaa boggiis Twitter-ka ku soo qoray in uu ka badbaaday weerarka lagu qaaday Hoteelka Villa Rosa ee Muqdisho.

Dad ka ag dhow aagaas ayaa   sheegay in koox hubeysan  gudaha  ay u galeenb Hotel lagu magacaabo Villa-Reys halkaas oo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya iyo Godka Jilacow.

Leave a Reply

Your email address will not be published.