Boolisku  muxuu ka yiri amniga caasimadda & Ramadaanka ?.

Boolisku  muxuu ka yiri amniga caasimadda & Ramadaanka ?.

Muqdisho (Raxanreeb ) – Taliska booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay qaadi doonaan talaabooyin ay ku sugi doonaan amniga caasimada inta lagu  jiro bisha Barakaysan ee Ramadan.

Waxa uu Taliska uu sheegay in  ciidanka Dowladda ay laba – laabi doonaan howlgalada ay ku doonayaan ay ku sugaan ammaanka caasimada si buu  yiri dadka ay ugu soomaan nabadgalyo.

Taliska waxa uu  ugu baaqay  bulshada Soomaaliyeed in dhankooda kaalin ay ka gaystaan sidii ay ula shaqayn lahayeen ciidanka booliska taas oo uu xusay in kaalin ay ka gaysan doono shaqada ciidanka Booliska.

Hadalkan ayaa yimid ka dib kulan magaalada Muqdisho ay ku yeesheen saraakiisha Booliska Soomaaliyeed oo looga hadlayay amniga caasimadda Ee Muqdisho.

Inta uu shirka socday taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu faray saraakiisha ciidamada in laga shaqeeyo sidii bulshada Soomaaliyeed ee Caasimadda ay si nabad ah ugu soomi lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in kulankaas lagu dejiyey qorshe cusub oo bisha barakeysan ee Ramadaan lagu xoojinayo amaanka dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Si kasta magaalada Muqdisho waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay falal amni  darro oo qaarkood lagu eedayay inay ku lug leeyihiin kooxda Al- Shabaab oo dagaal kula jira Dowladda Soomaaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.