Maxay tahay sababta  Hotelka Xayaat looga maqlayo rasaasta ?

Maxay tahay sababta  Hotelka Xayaat looga maqlayo rasaasta ?

Raxanreeb(MUQDISHO) Warbaahinta ayaa ku sugan meel aan sidaa uga  fogayn Hotellka Xayaat  ee magaalada Muqdisho ka dib markii Dowladdu ay sheegtay in la soo afjaray weerarkii ka socday Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Suxufiyiin ku sugan KM4 aya raxanreeb u sheegay in wali aan loo fasaxin hotelka weerarka uu ka dhacay ee Xayaat halkaas oo mararka qaar laga maqlayay xalay rasaas teelteel ah.

Lama oga rasaastaas waxa ay tahay  , maadama Dowladdu ay sheegtay in la soo afjaray howlgalka 24-ka saac qaatay  ee ka  socday Hotelka.

“Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka waxa ay soo afjareen weerarka, raggii hubaysnaana waa ay dhinteen, ma jirto wax rasaas ah oo ka dhacday dhismaha saacadihii la soo dhaafay” Sidaasi waxaa AFP u sheegay Sarkaal katirsan Ciidanka DFS oo magaciisa aan sheegin.

Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhintay dagaalka ku billawday Qaraxyada ee Al-Shabaab ku qaaday Hoteelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho

Dhimashada ayaa intaas ka badan karta maadaama aanay weli tira-koob rasmi ah la soo saarin oo la xiriira weerarkan ka dhacay  Hotel Xayaat ee magaalada Muqdisho.

Wixii ku soo kordha kala soco Raxanreeb.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.