Muqdisho (Raxanreeb Online): Siyaasiga mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo sheegay in isaga iyo siyaasiyiin kale ay ka daaleen waxa uu ku tilmaamay xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa yiri:
“Annaga xitaa waan daalnay, runtii. Waxaan jeclaan lahayn in nalaga soo gabagabeeyo waxaan beenta ah. Ninkaan Xasan Sheekh ah waa imtixaan.”
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu dalka ka jiro khilaaf siyaasadeed oo xooggan, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, dastuurka iyo xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida joogtada ah u dhaliila siyaasadaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo habka ay Xukuumadda Federaalka u maareyso arrimaha siyaasadda dalka.

Leave a Reply