Baladweyne ( Raxanreeb Online) Taliyaha Ciidanka Dhulka Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa kormeeray fariisimada Ciidanka Xoogga Dalka ay ku leeyihiin ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, gaar ahaan Guutooyinka 5aad iyo 29aad ee qeybta 27-aad Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Taliyaha ayaa Ciidanka Xoogga Dalka kula dardaarmay xoojinta difaaca Qaranka, iyo inay dardargeliyaan waajibadka...
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan Sacuudiga iyo ujeedka safiirkiisa
Riyaadh ( Raxanreeb Online) Wasiirka arrimaha dibada ee xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaam Cali Dhaay , oo ku sugan dalka Sacuudi Carabiya, ayaa kulan la leh wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudiga Carabiga Feysal Bin Farxaan Al-sacuud. Kulankan ayaa la sheegay inuu daaran yahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga iyo kaalinta garab istaaga ee ku...
Halkee ayuu ku xiran yahay madaxweynaha dalka Venezuela ?
Washington ( Raxanreeb Online) In ka badan 24 saac ayaa kasoo wareegtay weerarkii lagu soo qabtay madaxweynaha dalka Venezuela, kaasi oo ay fulisay dowladda Mareykanka. Dhowr warbaahin oo Mareykan ah ayaa ku warramaya in madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro la geeyay xarun lagu xiro dadka oo lagu magacaabo Brooklyn’s Metropolitan Detention Center (MDC). Waxaa la fahamsan...
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay duqeyn ka dhacday Jilib lagu dilay xubno sare oo katirsan AS
Kismaayo ( Raxanreeb Online) War kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa looga hadlay howlgalka culus oo duqeymo ah oo laga fuliyay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, halkaasi oo ah xarunta ugu weyn ee maleeshiyaadka Al-shabaab. Howlgalkan oo la sheegay inuu dhacay xalay, ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo waa weyn oo Al-shabaab ku la hayeen degmada...
Ugu yaraan 12 ruux oo shacab ah oo ku dhintay qarax miino
Galgaduud ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo saakay ka dhacay deegaanka Kud-kudaaleey oo hoostaga degmada Masagawaay ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhintay 12 ruux oo shacab ah halka ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 8 kale, kuwaasi oo saarnaa...
Ruushka oo war ka so saaray weerarka Venezuela
Moscow ( Raxanreeb Online) sRuushka ayaa bayaankiisii ugu horeeyay ka soo saaray weerarka Mareykanka ee dalka Venezuela. “Waxaan si aad ah uga walaacsanahay wararka sheegaya in Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, iyo xaaskiisa si qasab ah looga saaray dalka kadib tallaabooyinkii gardarrada ahaa ee maanta uu qaaday Mareykanka” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay wasaardda...
Faahfaahinta ka soo baxaysa qaabkii loo qabtay Nicolás Maduro
Caracos ( Raxanreeb Online) Mas’uuliyiin ayaa u sheegay, warbaahinta CBS News, ee ay bahwadaagta yihiin BBC in Madaxweynaha Venezuela Nicolás Maduro ay qabteen ciidanka Mareykanka ee Delta Force. Delta Force waa qaybta ugu sareysa ee militariga Mareykanka ee la dagaalanka argagixisada. Mareykanka ayaa muddo dheer ku eedeynayay Nicolás Maduro inuu hoggaaminayo shabakad caalami ah oo...
Jubbaland oo dil toogasho ah ku fulisay askari horay dika u geystay
Kismaayo ( Raxanreeb Online) Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta xukunkan dil ah ku fulisay dable Aadan Ibraahim Axmed Macoow, kaasoo ka tirsanaa ciidamada madaxtooyada Jubbaland. Waxa uu horey u dilay Allaha u naxariistee Cabdifataax Cumar Shariif, oo ay ka wada tirsanaayeen ciidamada madaxtooyada Jubbaland. Muran soo kala dhexgalay labada askari, oo...
Horjogaal sare oo katirsan kooxda AS oo lagu dilay gobolka Baay
Shabeellaha Hoose ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kuwa Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga, ay xalay ka fuliyeen y deegaanka Buula Fuleey ee gobolka Baay. Howlgalkan ayaa la fuliyay goobo iyo gabaadyo ay maleeshiyaadka Al-shabaab ku la hayeen deegaankaasi, waxaana lagu dilay 20...
Trump oo u digay Iran inuu faragelin doono haddii ay dilaan dadka dibad-baxaya
Washington ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga digay maamulka Iran inay dilaan dibadbaxayaal nabadeed, isagoo sheegay in Washington “ay u imaan doonto badbaadintooda” Qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Bulshada, ayuu ku yiri: “Waxaan nahay kuwo diyaar ah una diyaarsan inaan dhaqaaqno,” balse faahfaahin dheeraad ah ma bixin. Lataliyaha sare ee...









