Muqdisho (Raxanreeb ) – Ciidamo isugu jira Boolis iyo kuwa Minishiibiyo ee Maamulka Gobalka Banaadir ayaa weerar ku qaaday Suuqa Bakaaraha iyo Suuq-Bacaad, waxaana xarig iyo jirdil loo geestay qaar kamid ah Ganacsatada iyo madaxdooda. Ganacsatada ayaa diidan bixinta lacag uu Gobalka Banaadir kusoo rogay taas oo aan la aqoon sharciga ay xambaarsan tahay maadaama...
Kumuu ahaa Jeneral Maxamuud Geelle ?
Muqdisho (Raxanreeb ) –Magaalada Muqdisho Waxaa maanta ku geeriyooday Allaha u raxmadee Gudoomiyihii hore ee Maxkamadii Badbaadada dalka, S/Guuto Maxamuud Geelle kaas oo maanta lagu aasay isla Muqdisho. Jeneraal Maxamuud Geelle wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyey ee loo magacaabay Maxkamadii Badbaada Dalka oo ahayd Maxkamad si gaara u qaadi jirtay dacwada dadka lagu eedeeyo “kacaan...
Golaha shacabka oo meelmariyay seddax hindise sharciyeed.
Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Sabti xildhibaanada Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa meel mariyay seddax hindise sharciyeed oo la sheegay in ay ahaayeen kuwa hore loo soo gudbiyay. Waxa ku jira hidisayaasha maanta xildhibaanada ay meel mariyeen hay’adda xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed, oo horey usoo meel mariyeen golaha wasiirrada Soomaaliya. Talaabadan Golaha shacabka ee Soomaaliya waxaa...
Wasiirka arrimaha dibadda K.Afrika ‘’Waxaa ii hanjaba sirdoonka Israa’iil’.
Capetown (Raxanreeb ) Wasiirka arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika Naledi Pandor ayaa sheegtay sirdoonka Israa’iil ay kala kumayso cabsi gelin joogto ah. Arintan waxa ay ka danbeysay markii maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ay Dowladadeed u gudbisay Xasuuqa Yahuuda ay ku hayaan Shacabka Falastiiniyiinta. “Wakiillada Israa’iil iyo sirdoonkoodu, [tani] waa waxa ay samaynayaan, waxayna...
Ciidamada dowladda oo nolosha ku qabtay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab
Warar dheeraad ah, oo laga helayo howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen qaybo kamid ah Galmudug, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.
Dowladda oo weerari karta waqti kasta dadka degan Saybiyaano , Muqdisho.
Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa qorshaysanaysa weerar ay ku qaadeen xaafadaha Saybiyaano halkaa soo ay degan yihiin Qoysas aad u fara badan soddankii sanno ee la soo dhaafay. Dad degan xaafadaha Dowladda ay doonayso ayaa sheegaya in ay soo wajahday cabsi la xiriirta suurtagalnimada in ciidanka ay soo qaadeen weeerar ay ku doonayaan in...
Netanyahu oo ku adkaysanaya in la weeraro Rafax
Ra'iisal wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa Jimcihii sheegay inuu ku amray milateriga dalkiisu inay diyaariyaan qorshe dadka rayidka ah looga daadguraynayo magaalada Rafax ee ku taalla dhinaca koonfureed ee marinka Qaza, xilli ay ciidamada Israa'iil isu diyaarinayaan inay hawlgal dhinaca dhulka ah ka fuliyaan magaaladaas.
DHACDO : Laba wiil & Hooyadood oo dilay aabahii reerka.
Muqdisho (Raxanreeb ) labo wiil iyo hooyadood oo si arxandarro ah u dilay Aabihii reerka, kadibna isaga baxsaday goobta. Dilka oo ka dhacay degmada Kaaraan ayaa la sheegay in uu sababay muran soo kala dhexgalay hooyada iyo aabaha reerka kadibna ay isugu tageen iyaga oo u adeegsaday dilka Tooreeyo. Marxuumka ayaa la sheegay in uu...
Puntland oo sheegtay in gacanta ay dhigeen AS & Daacish.
Bosooso ( Raxanreeb ) War ka soo baxay Taliska Booliska gobolka Bari ee Puntland ayaa lagu sheegay in gacanta ay ku soo dhigeen xubno sar sare oo ka tirsanaa kooxda Al – Shabaab iyo Daacish. Waxa uu sheegay Talisku in sidoo kale ay ku raad joogaan saraakiil ka kale oo ka tirsan kooxaha Daacish iyo...
DILKA Soomaalida oo ka sii socda Koonfur Afrika- dilkii ugu danbeeyay oo dhacay.
Capetown (Raxanreeb ) Wararka laga helayo koonfyr Afrika ayaa sheegay in halkaas lagu dilay wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxameed kana mid ahaa Daraawalada Soomaaliyeed ee Uber-ka ku Shaqaysta, ayaa xalay abaare 3:30am lagu dhex dilay Xaafadda Soomaalida ee Bellville, Magaalada Cape Town ee Dalkani Koonfur Afrika. Kooxds dilka u geystay, ayaa durbadiiba gacanta lagu...









