Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 123 Muwaadin oo ku xanibnaa dalka Sudan kuwaas oo u badan Ardey, 78 ka mid ah dadkaas waxaa la keenay Muqdisho halka 45 laga dajiyay Magaalada Garoowe. Muwaadiniinta oo safar dhulka ah oo dowladdu fududeysay ku tagay dalka Ethiopia ayaa laga soo qaaday...
Cabdikariin Guuleed oo kulan la yeeshay Safiirka Midowga Yurub
Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta kullan la qaatay Safiirka Midowga Yurub Tiina Intelmann oo ay ka wadahadalleyn sida ugu wanaagsan ee looga guul gaari karo Wadahadallada Dowladda FS & Somaliland.
XOG : Axmed Madoobe oo isku diyaarinaya dagaalka MD Xasan Sheekh
Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha maamulka Jubbaland oo muddo dheer jooga xukunka maamulka Jubbaland ayaa hadda bilaabay Olole siyaasadeed oo uu ku doonayo inuu ku helo isbahaysi siyaasadeed. Axmed Madoobe ayaa kulamadiisa waxa ay xoogooda ay ka dhacayaan magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya halkaas oo ubuc u ahayd Axmed Madoobe muddo sanada ah . In...
Jubbada Dhexe oo laga saarayo Al- Shabaab
Baardheere (Raxanreeb ) Wararka RBC uu ka helayo degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas uu ka socdo howlgal lagu doonayo in lagu xoreeyo degaanada Jubbada dhexe. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare oo gaaray degmada Baardheere ee Gedo ayaa sheegay in howlgalada ay yihiin kuwo Jubbada dhexe...
RUTO ‘’ Ciidanka ATMIS ha xoojiyaan howlgalka Al-Shabaab ‘’
Nairobi (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in muhiim ay tahay in ciidanka ATMIS ay soo afjaro dagaalka ka dhanka ah Al- Shabaab ee ka socda gudaha dalka. Madaxwaynaha Kenya ayaa xusay in dadaalka xooggan IGAD ay ugu jirto sidii loo jabin lahaa kooxda Al- Shabaab waxana uu xusay in la joogo markii...
Ciidamada RSF ee Sudan oo sheegay in weerar lagu soo qaaday
Ciidamada u hawl gala deg degga ee (RSF) ayaa ciidamada kasoo horjeeda – ee millatariga caadiga ah ee Suudaan - ku eedeeyay dhowr weerar oo xagga cirka ah, oo lagu qaaday saldhigyada ay ku leeyihiin qaybo kala duwan oo ka tirsan magaalada Khartuum, inkastoo ay jirtay xabbad-joojin soo socotay maalmo.
DEG-DEG : Dab ka kacay xaafado ka mid ah degmada Kaxda ee Muqdisho + khasaaraha
Muqdisho (Raxanreeb ) Dab xooggan oo geystay khasaaro hanti ayaa caawa waxa uu ka kacay Degmada Kaxda ee Gobolka Benaadir. Dabka oo ka kacay Waaxada 2-aad ee Degmadda Kaxda ayaa sababay in ilaa 5 guri ay gubtaan. Dad ku sugan degmada Kaxda ayaa RBC u sheegay in ay socdaan dadaalo lagu daminayo dabkaas caawa ka...
Colaadda Sudan: Darawalada oo dadka ku xujenynaya $40,000 si ay xadka uga gudbaan
Qoys ka qaxay dalka Suudaan, ayaa sheegay inay ka mid yihiin kumannaan reer oo ku xayiran xadka Masar, sababo la xiriira darawallada oo dalbanaya $40,000 oo u dhiganta (£31,810), si loogga kireeyo ay soohdinta uga tallaabaan.
Muxuu yahay Dhiig Karka qarsoon ee lagu sheegay da yarta?
Dad aad u tiro badan oo dhalinyaro ah, kuwaasoo oo ku nool Ingiriiska, ayaa waxaa lasoo haleelaya cudurka Dhiig Karka.
André & Cali Jayte oo si wadajir ah u gaaray go’aan muhiim ah
Muqdisho (Raxanreeb ) Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cusmaan ayaa kulan la qaaday Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ee xafiiska sii banaynaya Larry André Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii loogu adkaan lahaa kooxda Al- Shabaab oo dagaal uu kaga furan yahay deegaano badan oo gobolka Hiiraan ah. Safiir Larry André ayaa bogaadiyay dadaalada maamulka ...








